​Ciidamada Ciraaq oo guulo ka gaaray Mosul

Image

Ciidamada dowladda Iraq ayaa guulo ka gaarey Howlgalka Mosul kadib markii ay la wareegeen qeybo kamid ah dhanka Waqooyi Bari ee magaaladaasi ay maamulaan dagaalyahannada Ururka Daacish.

Taliyaha ciidamada Iraq ayaa sheegay in goobaha ay qabsadeen u sahlayso inay si dhaqso ah Daacish uga saaraan magaalada Mosul, oo mudo labo bilood ah uu ka socdo howlgal military oo ballaaran.

Si kastaba, Kumanaan qof oo shacab ah ayaa ku go'doonsan magaalada Mosul kuwaasi oo wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen intooda badan uu dagaalka xiray.

Dowladda Iraq ayaa hore u balan qaadey inay Daacish ka saari doonto dhammaan dhulka ay ka haystaan dalkaasi, iyadoo kaashanaysa Mareykanka iyo Maleeshiyaad shiico ah oo gacan saar la leh dowladda Iran.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la-dagaalanka argagaxisada dowladda Iraq ayaa dhanka Bari ka galay Mosul, kadib markii ay dagaal qaraar oo mudo qaatey la galeen Xoogag ka tirsan Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa ka gacan siinaysa Iraq dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish, oo dalkaasi uga sugan dhanka Waqooyi ee dalkaasi, kuwaasi oo kamid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM