Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Image

MINNEAPOLIS, Minnesota — Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada ee Maraykanka (ICE) ayaa shaacisay in in ka badan 400 qof oo muhaajiriin sharci darro ah laga qabtay gobolka Minnesota, gaar ahaan agagaarka magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, taasoo qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo loogu magac daray Operation Metro Surge.

Siyaasiyiinta gobolka iyo matalayaal ka tirsan bulshada Soomaalida ayaa hawlgalkan ku sheegay mid aan nidaamsanayn, isla markaana sababay cabsi iyo jahawareer bulshada dhexdeeda ah. Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku eedaysay hay’adaha federaalka in ay si gaar ah u beegsanayaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay codsatay in lagu caddeeyo tirada dadka la xiray, gaar ahaan muwaadiniinta Maraykanka ee si khalad ah loo qabtay. 

Waxaa sidoo kale la soo weriyey in qaar ka mid ah dadka lagu qabtay goobaha ay ku nool yihiin ay u baahan yihiin in lasoo bandhigo dukumentiyada muwaadinnimo si ay u sii daayaan, taasoo keentay caro bulsho. 

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka, ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan hawlgallada socdaalka. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in hawlgalladu ay abuureen cabsi guud oo dadku ka baqayaan inay ka baxaan guryahooda, xataa haddii ay yihiin muwaadiniin sharci ah. 

Hawlgalka Operation Metro Surge ayaa sii socda, iyadoo hay’adaha amniga federaalku ay sheegeen in ay sii wadi doonaan qabashada dadka ay u arkaan in ay ku sugan yihiin dalka si sharci darro ah, isla markaana amnigooda iyo kan guudba khatar gelinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM