Ciidanka Israa'iil oo laayey Falastiiniyiin ay ku jirto haweenay da' ah

Image
In ka badan 170 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarradan oo kale sanadkii 2022, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen rayid.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan sagaal Falastiiniyiin ah waana mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo markii ay sii xoogeysteen duqeymaha Israa’iil billowgii sannadkii hore.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 20 kale ay ku dhaawacmeen rasaas noolnool oo lagu weeraray xerada qaxootiga ee Jenin Khamiista maanta ah, taasoo Falastiiniyiintu ay ku tilmaameen "xasuuq".

Haweeney da’ ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay dadka dhintay, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta. Afar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu liidataa.

Tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidamada Israel intii lagu guda jiray duulaanka ay ku qaadeen Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus bishii Janaayo ayaa gaartay ugu yaraan 29 qof oo ay ku jiraan shan caruur ah. Ugu yaraan 15 ka mid ah dadka la dilay ayaa ka soo jeeday Jenin.

Ciidamada Israel ayaa hadda ka baxay Jenin. In ka badan 170 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarradan oo kale sanadkii 2022, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen rayid.

Ra'iisul wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sii daayay bayaan uu ugu baaqayo Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay'adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka "in ay si degdeg ah u soo farageliyaan ilaalinta dadka Falastiiniyiinta iyo joojinta daadinta dhiigga carruurta, dhalinyarada iyo haweenka."

Jenin waxa ay ka mid tahay aagagga woqooyiga Daanta Galbeed ee Israa’iil ay xoojisay duullaanka ay ku qaadeyso tan iyo sannadkii la soo dhaafay, iyada oo isku dayaysa in ay ka hortagto iska caabinta hubaysan ee Falastiiniyiinta ee sida ba'an usii kordheysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM