Ciidamada Sucuudiga iyo fallaagada Yemen oo ku dagaallamay xadka

Image

June 6, 2015 (GO)- Ku dhowaad soddon qof ayaa ku geeriyoodey dagaal militeriga Sucuudiga iyo mileeshiyaadka Xuuthiga oo kaashanaya ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen ku dhex maray xadka u dhexeeya Yemen iyo Sacuudiga.

Af-hayeen u hadlay isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee duqeymaha ka wada Yemen ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen afar askari oo ka tirsanaa ilaalada xadka Sucuudiga iyo tobannaan ka tirsan mileeshiyaadka Xuuthiga.

Weerarka waxaa soo qaaday mileeshiyaadka iyagoo soo weeraray saldhigyo ciidamada Sucuudigu ku leeyihiin gobollada Najraan iyo Jiizaan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii diyaaradaha isbahaysigu duqeyn xooggan ka geysteen magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM