Ciidamada Suuriya oo Xasuuq Ka Gaystey Barriga Magalaada Ghouta

Image
Image

Weeraro arxandaro ah oo ay la socdaan duqeymo cirka ah iyo madaafiicda goobta ayaa diley 250 qof labadii maalmood ee lasoo dhaafey. 


Duqeymo dhinaca madaafiicda ah oo socdey ilaa maalintii shaley ayaa Dad Boqol kor u dhaafaya ku diley Barriga magaalada go’doonka ah ee Ghouta ee dalka Suuriya taasoo gaarsiisey dhimashada labadii maalmood ee lasoo dhaafey 250 shacab ah.

Waxay aheyd dhimashadii ugu badneyd ee ka dhacda magaaladaan go’doonka ah tan iyo intii 2013 Dowlada Suuriya ku weerartay Ghouta hubka sunta xambaarsan.

Koox la socota dagaalka Suuriya oo fadhigeedu yahay wadanka Ingriiska ayaa sheegtey in maalinimadii Talaadada duqeymahaan lagu diley 106 qof.

Weeraradaan qaarkood oo diley qaar kamid ah dadkaas ayaa lala beegsadey 6 Isbitaal halka 3 kamid ah bubureen sidaas waxaa sheegey Qaramada Midoobey.

Madaafiicda laga ridayo qoryaha culculus ayaa waxay khalkhal galiyeen dadka dagan magalaada Damascus sidaas waxaa saxaafada u sheegey wariye ku sugan goobaha duqeymahaan lala beegsanayo.

Dadka dagan magaaladaan ayaa sheegey ineysan jirin wax calaamad ah oo Nolol ah iyadoo shacabka Ghouta oo gaaraya 400,000 ka dhamaadeen waxyaaabihii daruuriga ahaa sida raashinka iyo Daawada.

Duqeymahaan oo bilowdey Axadii ayaa hordhac u ah weerar dhinaca dhulka ah ay ciidamada Suuriya qorsheynayaan in Barriga Ghouta ku soo qaadaan sidaas waxaa yiri urur fadhigiisu yahay London kasoo la socda xaalada dalkaas.

Ghouta oo ku taal Barriga magaalada Damascus ayaa ah goobta ugu dambeysa ee ku hartey gacanta xoogaga mucaaradka dalka Suuriya halkaas oo ciidmada Bashal Al-Asad go’doominayeen tan iyo sanadkii 2013.

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM