​Ciidamo Turki ah oo lagu dilay Suuriya

Image

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in 3 kamid ah ciidamadooda ku sugan Suuriya lagu dilay duqeeyn ay uu geeysatay diyarad looga shakiyay in ay leedahay dowladda Suuriya. Wuxu sidoo kale turkigu sheegay in tiro kale oo ciidankiisa ah lagu dhaawacay duqeyntaasi.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay subixii hore ee maanta magaalada Al Bab ee waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidamada Turkiga ay gacan ku siinayaan dagaalyahanada mucaaradka iyo kuwa Kurdiyiinta ee dagaalka kula jira kooxda iskugu yeerta Dowladda Islaamiga.

Waa markii ugu horeysay oo la sheego in ciidamada dowladda Suuriya ay dileen askarta Turkiga ee halkaasi ku sugan tan iyo markii ay ciidamada Turkiga bilaabeen howlkalka ka dhanka ah kooxda Daacish 3 bilood ka hor.

Wariyayaasha ayaa sheegay in tani ay sare u sii qaadi karto xiisadda u dhaxeeysa Ankara iyo Dimishiq.

BBC

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM