Ciidanka Israa'iil oo toogasho ku dilay wiil 14-jir Falastiini ah
ANKARA, Turkey - 14-jir Falastiini ah ayaa si xun loo toogtay intii lagu guda jiray weerar ay Israa’iil ku qaadday Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin oo qoraal soo saartey ayaa xustey in Qusai Radwan Waked ay haleeshay rasaas ay Israa'iil ridaysay intii uu socday weerarka.
Marxuumka oo wiil firfircoon ahaa ayaa lagu waramay in xabada ay kaga dhacday Caloosha, waxaana la dhigay Isbitaalka halkaasoo markii dambe uu ku geeriyoodey
Labo ruux kale oo Falastiini ah ayaa sidoo kale waxay ku dhaawacmeen toogashadaas, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa tibaaxay in ay ciidamadooda u direen in ay soo xiraan qof looga shakisan yahay xagjirnimada balse ma aysan bixin sharaxaad dheeraad ah.
"Waan ka war-qabnaa wararka sheegaya in tiro dabley ah ay ku dhaawacmeen rasaasta la is weydaarsaday," ayuu yiri afhayeenka isaga oo aan soo hadal-qaadin dadka shacabka ah.
Ciidanka Israa'iil ayaa kooxaha xuquuqul insaanka ku dhaleeceeyay siyaasaddooda "dilka toogashadda" ee ay u adeegsadaan falastiiniyiinta xitaa marka dhibanayaashu aysan khatar u gelin askarta.
Daanta Galbeed ayaa kor u kacday rabshadaha tan iyo markii Israa'iil ay xoojisay duullaanka sannadkii hore. Ururadda xuquuqda aadanaha waxay soo wariyeen waxyeelo badan oo dad rayid ah.
Ciidamada Israel ayaa 167 falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus sanadkii 2022, waana dhimashadii ugu badnayd muddo hal sano gudaheed tan iyo markii labaad ee Intifada.
Bishii Disembar ee isla sanadkii hore 2022, khubarada Qaramada Midoobay ayaa Israa'iil ku cambaareeyay rabshadaha rikoodhka ah waxayna ka digeen in 2023 ay arki karaan tiro badan oo dhaawacyo ah.
GAROWE ONLINE