​Ciraaq: Dagaal kasocda magaalada Faluuja

Image

Dagaal xooggan, ayaa kasocda magaalada Faluuja oo qiyaastii 50KM u jirta caasumadda waddanka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana ku dagaallamay ciidamada dowladda oo taageero ka helaya xulafada uu hogaamiyo Maraykanku.

Ciidamada Ciraaq ayaa dhanka Koonfureed ee magalada ka billaabay weerarka ka dhanka ah kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka, waxaana wararku sheegayaan inay la kulmeen iska caabin xooggan.

Balse qaybo kamid ah maglaada ayay gudaha u galeen ciidamadu, waxaana lagusoo waramayaa in dad aad u badan ku xannibanyihiin waddooyin magaladaasi, iyadoo dad kasoo qaxay ay sheegayaan inay ka jirto xaalad adag oo isugu jirta biyo la'aan, gaajo iyo koronto la'aan.

Saraakiisha amniga dalkaasi ayaa guulo waaweyn ka sheegayana dagaalka Faluuja, waxana shacabka u sheegeen inay goordhaw gacanta dowladda kusoo celin doonaan magaladan oo muhiim u ah xukuumadda Ciraaq.

Dagaalkan, ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo in kooxda Daacish looga sifeeyo goobaha ay kaga suganyihiin dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM