Colombia oo joojisay dhuxushii ay u dhoofineysay maamulka Yahuuda

Image
Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in talaabadan ay la xiriirto xasuuqa Gaza.

DOOXA, Qadar - Dowladda Colombia ayaa si rasmi ah u ansixisay mamnuucidda dhoofinta dhuxusha ee Israel si loogu ciqaabo dagaalka xansuuqa ah ee ay muddada tobanka bilood ah ku hayso Falastiiniyiinta Gaza.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "Dhuxusha Colombia waxaa loo isticmaalaa bambooyinka lagu dilo carruurta Falastiiniyiinta."

Haddaba, “Dhoofinta Dhuxusha Kulul ee Israa’iil” waa mamnuuc, sida lagu sheegay wareegtada, oo ay saxiixeen xubnaha golaha wasiirada xukuumaddiisu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM