Congo: in ka badan boqol qof oo ku geeriyoodey harada Tanganyika

Image

December 14, 2014 (GO)- Ugu yaraan 129 qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen kadib markii ay dooni kula degtey harada Tanganyika ee ku taalla koonfur-bari Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo.

Doonta degtey oo siddey shixnad badeecado kala duwan ah iyo ku dhowaad 360 qof waxay Jimcihii lasoo dhaafay ka shiraacatay magaalada Kalemie ee gobolka Katanga iyadoo kusii jeedey gobolka Uvira.

Laurent Kahozi oo ah Wasiirka Gaadiidka Congo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in kooxaha badbaadadu ilaa iyo hadda ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 221 qof.

Shilalka caynkan ah ayaa kusoo noqnoqda webiyada iyo harooyinka dalka Congo, waxaana inta badan loo sababeeyaa doomaha oo si tankooda ka baxsan loo raro iyo badi dadka safraya oon dabaasha aqoon islamarkaana qaadan jaakadaha badbaadada.

Harada Tanganyika oo ah tan ugu dheer harooyinka biyaha macaan ee dunida, waxay xuduud la leedahay dalalka Congo, Zambia, Burundi iyo Tanzania.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM