Cruz iyo Sanders oo ku guuleystay Wisconsin

Image

WASHINGTON DC-Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo Bernie Sanders oo dhinaca Dimoqraadiga ah ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Wisconsin oo ay dhibco badan kaga adkaadeen musharaxiintii la tartamayey.

Cruz ayaa Trump kaga adkaaday 48 iyo 35, waxaana uu guushiisa ku macneeyey mid wax weyn ka beddeli doonta tartanka.

Senator-kan laga soo doorto gobolka Texas, ayaa si kastaba in ka badan 200 ka dambeeyey taratnka dhinaca wufuudda dooraneysa musharaxa xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada guud ee Mareykanka.

Dhinaca kale Senator Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont ayaa Hillary Clinton kaga adkaaday isaga oo helay 56 boqolkiiba codadka.

Sanders ayaa iminka ku guuleystay lix ka mid ah toddabadii gobol ee ugu dambeeyey ee lagu tartamay.

Clinton ayaa wax hadal rasmi ah jeedin markii laga adkaaday, hase yeeshee qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ugu hambalyeysay Sanders.

VOA

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM