​Daacish oo dad shacab ah ku dishay Masar

Image

Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay in Daacish ay 16 ruux oo shacab ku dishay waqooyiga gobolka Siinaay, oo uu ka socdo dagaallo mudo 3 sano ah.

Dadka Daacish laysay, waxay ku eedaysay inay la shaqeynayeen ciidamada militariga Masar oo howlgal ka dhan ah Kooxaha Mintidiinta kawada gobolka Siinaay.

Dowladda Masar ayaa xaalad Deg Deg ah kusoo rogtay gobolka Siinaay October, 2014, kadib weerar lagu dilay 33 qof oo ka dhacay gobolkaasi kaasoo mas'uuliyadiisa sheegatay Daacish.

Militariga iyo Booliska Masar ayaa 2015 Howlgal ka billaabay Siinaay, si ay meesha uga saaraan weerarada Daacish ee ka dhanka ah saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin gobolkaasi.

Boqolaal Askari oo katirsanaa ciidamada amniga Masar ayaa lagu dilay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay qeybo kala duwan dalka Masar saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Masar ayaa waxaa la degay jahwareer siyaasadeed iyo amni darro wixii ka dambeeyay markii uu Jen Cabdifitaax Al Siisi uu awood military xukunka ugula wareegay Maxa'ed Morsi sanadkii 2013-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM