​Daacish oo dishay 18 katirsan ciidamada Ciraq

Image

Weerar uu fuliyay naftiis hore la sheegay inuu katirsan kooxda isku magacowday khilaafada Islamiga ah ee ISIL ayaa sababtay dhimashada 18 kamid ah ciidamada Milateriga waddanka Ciraq, waxaana sidoo kale dhaawacymay tiro kamid ah ciidamada.

Qaraxa kadib kooxo hubaysan ayaa gudaha u galay xeradan oo lagu magacaabo Ain al-Assad taasi oo  ku taalla gobolka Anbar.

Is-miidaminta kadib waxaa lagu soo waramayaa in kooxo lagu qiyaasay Tobaneeye soo qaadeen weerar xooggan, balse waxaa ka hortagay ciidamada oo toogtay 8 kamid ah, halka labo kale la sheegay inay is-qarxiyeen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaacada Ciraaq ayaa sheegay in la hortagay weeraro argagixiso oo kooxda Daacish qorshaysay in laga fuliyo dalkaasi, wuxuuna xaqiijiyay in la toogtay dhammaan mallayshiyadii dagaalka soo qaaday.

Xeradan la weeraray ayaa kamid ah kuwa ugu waaweyn dalka Ciraaq, waxaana fariisin u tahay kumanaan kamid ah ciidanka dowladda.

Falkan ayaa dhacay goor dambe xalay oo Sabti ahayd.

Maaha weerarkii ugu horaysay ee kooxda ka gaysato dalka Ciraaq, habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii ku dhawaad 30 ruux lagu dilay qarax lala eegtay garoon kubadda lagu ciyaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM