​Daawo: Dood adag oo dhexmartay Clinton iyo Trump

Image

Murashaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha Maraykanka ee kasoo kala jeeda Xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa xalay dhexmartay dood adag oo si toos ah looga daawanayay TV-yada Caalamka.

Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa midba mid ka kale u jeedinayay hadallo uu ku dhaliilayo hogaankiisa iyo inuu xukumi karo waddanka USA.

Waxay ka hadleen arrimo ay ka mid yihiin, Muslimiinta Mareykanka, Dadka Madow, xaaladaha dalalka colaaduhu ay ka jiraan sida; Suuriya iyo arrimaha caafimaadka dalka Maraykanka.

Intii lagu guda jiray dooddii labaad, ayaa Hillary Clinton waxay sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aysan u diri doonin dalka Syria, iyadoo xaaladda magaalada Aleppo ku sifaysay mid musiibo ah.

Russia ayay ku eedaysay inuu doonayo sidii xukunka loogu sii hayn lahaa Bashar Al-Assad.

Hillary Clinton oo soo hadal qaaday muuqaal Jimcihii la baahiyay, ayaa sheegtay in tallaabadaasi muujinayso in Donald Trump uusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo.

Dhinaca kale DonalTrump ayaa waxa uu iska difaacay eedaha loo soo jeedayay isagoo cudur daar ka bixiyey hadallo uu ku aflgaadeeyey haweenka oo laga maqlay cajalad la duubay sanaddii 2005, waxaana uu sheegay inuu dareemayo ceeb.

Wuxuu intaas ku daray in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria.

HOOS KA DAAWO DOODDA OO DHAMMAYSTIRAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM