​Dab la qabadsiiyay xarunta Barlamanka Gabon

Image

Mucaaradka dalka Gabo oo si aad ah uga caraysan natiijadii kasoo baxday doorashiid dhacday maalintii Sabtida ayaa dab qabadsiiyay xarunta Barlamanka dalkaasi, waxaana gabi ahaanb holacday dhismaha golaha shacabka iyadoo falkaasi ay fuliyeen taageerayaasha xisbiga uu hogaamiyo Jean Pin.

Rabshado xooggan ayaa dalkaasi kasocda, waxaana laamaha ammaanka caasimadda Libreville ku dadaalayaan sidii loo hakin lahaa carada ka dhalatay dib u doorashada madaxweynaha dalkaasi Cali Bongo.

Falka lagu gubay xarunta Barlamanka dalka Gabon ayaa dhacay xalay saq dhexe, waxaana sawirro laga baahiyay warbaahinta gudaha la arkayay qiiq iyo dab sare u kacay oo ka muuqda xaruntaasi.

Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa quud-darraynayay in sannadkan ku guulaysan doonaan talada dalkaas ee waqtiga dheer soo xukumayeen qoyska Bongo.

Dalka Gabon ayaa shidaalka qaniga ku ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM