Dab qabsaday warshadda diyaaradaha drones-ka ee Mareykanka

Image
Baaritaan ayaa la filayaa in lagu sameeyo si loo ogaado waxa keenay dabka.

WASHINGTON, USA - Dab ayaa ka kacay warshad  lagu far-sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo ku taal Latvia, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Talaadadii.

Warshada ayaa lagu magacaabaa Edge Autonomy taasoo la sheegay inay soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee milatariga Ukraine iyo xulafada NATO.

Wargeyska maalinlaha ah ee LSM soo xiganaya Adeegga Badbaadinta iyo Dabdemiska ee Gobolka Latvia (VUGD) ayaa daabacay in si degdeg ah loo damiyey dabka.

"Dab khatar badan ayaa ka kacay goob wax soo saar ah, waxaana ka dhashay qiiq aad u badan oo waxyeello u geysan kara caafimaadka bini'aadamka, guutooyinka VUGD ayaa ku howlan daminta dabka," ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee VUGD.

Lama oga waxa sababay dabkan. Baaritaan ayaa la filayaa in lagu sameeyo si loo ogaado waxa keenay. Wararka horudhac ah waxay sheegayaan in ay suurtagal ay tahay in ay ka dhalatay koronto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM