​Dad ku dhintay Rabshado dhacay Zambia

Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Zambia, waxaa ka bilowday rabshado ku salaysan isir nacayb, waxaana la dhacay hantida dad badan iyadoo la dilay dhawrt qof oo soo galooti ah gaar ahaa kuwa kasoo jeeda dalka Rwanda.

Boliiska ayaa ku waramay in labo qof maanta nolosha lagu qabtay halka horay loo xiray in kabadan 250 ruux kuwaasi oo ku lug lahaa falal dhac iyo boob isug jira.

Dadka lasoo qabta n weerarada ayaa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Lusaka.

Shacabka reer Zambia ayaa ku dhaliilaya dadka Rwanda inay ka dambeeyeen dilal loo gaystay shakhsiyaad waddankooda kasoo jeeda kuwaasi oo xubnahooda la isticmaalay.

Dadka reer Rwanda ayaa ah kooxda ugu ballaaran ee soo galka dalkaasi, waxayna leeyihiin ganacsiyo kala duwan.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya bur-bur loo gaystay dhismayaal iyo  boob lagu hayo badeecooyinka soo galootiga.

Boliiska ayaa isticmaalay rasaas nool si loo kala cayriyo dadka, halka in badan ay xireen.

Dadka kasoo jeeda waddamada Africa ayaa caan ku ah tacadiyada ku salaysan isir nacaybka iyadoo kumaan qof falal caynka ah kuwaayeen nolashooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM