Dadka uu Covid-19 bisha dambe ku dili karo Mareykanka oo la saadaaliyey

Image

WASHINGTON, US – Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada ee waddanka Mareykanka ayaa saadaalisay in ka badan 100-kun oo ruux uu Coronavirus ku dli doono gudaha dalkaas, dhamaadka bisha May, sanadkan 2020.

Robert Redfield, oo ah agaasimaha guud ee xarunta, ayaa hadaladaas ka dhawaajiyey Jimcadii, sidda ay ku warantay warbaahinta.

"Waxaanu sameynay 12 odorosyo kala duwan oo ku aadan suurtalgalnimadda dhimashadda Covid-19 ee gudaha Mareykanka. Qiyaastu waxay tahay geeri ka badan doonto 100,000," ayuu soo qoray.

Machadka Daaweynta Caafimaadka iyo Qiimeynta ee Jaamacadda caalamiga ah ee Washington ayaa Talaadadii wuxuu saadaaliyey in dhamaadka bisha August ay geerida ka gaari doonto 140-kun oo qof.

Illaa iyo haatan, Mareykanka ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 1.4 milyan oo kiisas ah, intaas waxaa wehlisa 87,400 oo dhimasho ah.

Jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socota xaaladaha xanuunka ayaa daaha ka rogtay in dadka ka caafimaadaya ay aad u hooseyso.

Tan iyo markii uu bishii December kasoo bilowday magaalada Shiinaha ku taala ee Wuhan, fayruska wuxuu saameeyay 188 dowlado; wuxuu dilay 300-kun dad ka badan, wuxuu halelay 4.5 milyan, 1.6 milyana way ka caafimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM