Dadka uu ku dhacay Covid19 ee guud ahaan caalamka oo dhaaftay 3 milyan

Image

WASHINGTON, US – Jaamacadda fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Johns Hopkins ayaa ku dhawaaqdey in tiradda kiisaska Coronavirus ee guud ahaan caalamka ay dhaafeen saddex milyan oo qof.

Kororkan waxaa sababay markii maanta lasoo wariyey kiisas badan oo fayruskaas safmarka ah, sidda ku xusan warbixinta.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka bishii December, sanadkii 2019, dadka uu galaaftay ayaa illaa iyo haatan kor-u-dhaafay 208,000.

Sidda laga soo xigtay xog-uruurintii ugu dambeysay, waxaa cudurka ka caafimaadey in ka badan 878,000, guud ahaan caalamka.

Khuburada ayaa aaminsan "maadaama aanan wali daawo la helin, sarre-u-kaca maalinlaha ah ee kiisaska wuu sii jiri doonaa".

Xarumo caafimaad oo kala duwan oo ay horboodeyso Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku howlan baadigoobka loogu jiro in la helo daawada fayruska safmareenka ah misana dilaaga ah.

Caabuqaan ayaa markii ugu horeysay lagu arkay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha. Balse, waxaa calaamad su'aal ay ka taagan tahay cidda ka dambeysay iyo ujeedada dhabta ah ee loo sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM

Hoggaamiyaha Sare ee Iran: Aargudashada Aabbahay Waa Waajib In La Fuliyo

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Iiraan oo faahfaahinaya tallaabooyinka ay qorsheyneyso.

  • Caalamka

    11-07-2026

  • 11:03AM