Dagaal dhex maray Al-shabaab iyo ciidanka Kenya

Image

11 qof oo la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin ururka al-Shabab iyo laba askarta Kenya ah ayaa ku dhintay weerar saakay aroortii ka dhacay deegaanka Baure , degmada Lamu, gobolka xeebta ee Kenya.

Sida ay baahisay warbaahinta Kenya, weerarkan ayaa dhacay saakay abaara 5:00tii subaxnimo, markii rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanyihiin ururka al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig milatariga Kenya ee Baragoni ee ku dhow Lamu.

Afhayeen u hadlay Milatariga Kenya oo la yirahdo -Col David Obonyo, ayaa sheegay in weerarkaasi ay iska caabiyeen, intii uu socday ay ku dileen 11 ka tirsan maleeshiyadii weerarka geystay, oo ay ku jiraan laba qof oo ajnabi ah oo cadaan ah.

Waxa uu sheegay in baaris ay socoto si loo xaqiijiyo heybta labadan qof.

Weerarkan dhacay maanta oo Axad ah ayaa ku soo beegmay iyadoo sanad laga joogo weerar sidan oo kale kooxdu ay uga geysatay magaalada Mpeketoni ee deegaanka Lamu, kaasoo ay ku dileen 48 qof oo aan Muslim aheyn.

XIGASHO: VOA

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM