​Dagaal dhexmaray Ethiopia iyo Eritria

Image

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo dalalka Ethiopia iyo Eritrea, ayaa sheegay inuu dhexmaray dagaal kooban kaasoo ka dhacay deegaan ku yaalla xadka labada dal.

Majirto khasaaro rasmi ah oo isku dhacaasi ka dhashay, balse dadka degaanka Tserona ee waqooyiga  Ethiopia  ayaa shaaciyay  inay arkeen ciidammo ku siijeeda dhanka Eritrea, sidoo kalena waxay sheegeen inay maqleen rasaas xooggan oo la is waydaarsanayo kuwaasi oo labo dhinac ka dhacaysay.

Dagaalka ayaa dhacay sida la sheegyay  subaxnimadii Axadda,laakiin saaka  ayaa la ogaaday,waayo? labada waddan midna saxaafad madax bannaan kama jirto.

Wasiirka war-isgaarsiinta ee dalka Ethiopia oo la hadlayey BBC-da, wuxu sheegay in aanu ogayn dagaal ka dhacay xuduudda.

Dowladda Eritrea ayaa dhankeeda war ay goor dhaweyd soo saartay ku eedaysay Ethiopia in ku soo qaadday weerar qaawan.

Ethiopia ayaa  inta badan sheegata degaanno soohdinta ku yaalla oo ay maamusho Eritrea, laakiin dunidu waxay u aqoonsantahay dhulkaas inay leedahay; Eritria.

In kabadan 100 kun oo qof ayaa ku labada dhinacba ka dhintay dagaallo dhacay sannadihii 1998 ilaa 2000 oo lasoo afmeeray colaadda labada dhinac, hase ahaatee waxaa dhici jiray iska hor imaadyo kooban.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM