Dal in uu hawadiisa isticmaalo u diidey ra'iisul wasaaraha Hindiya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Dowlada Pakistan ayaa Axadda maanta ah waxay si rasmi ah ugu diiday ra'iisul wasaaraha India in uu adeegsado hawadda waddankaas.

War-qoraal ah oo xukuumadda Islamabad kasoo baxay ayaa waxaa sharaxaad looga bixiyey sababta ay salka ku hayso diidmadda.

Sidda ku xusan qoraalka, diidmada ayaa daaran "xadgudubyadda daran ee ka socda gobolka Kashmir gaar ahaan qeybta India ay maamusho".

Go'aankan ayaa imaanaya iyadda oo xiisadda, dowladahan ku hubeysan hubka sida xun wax u gumaada ee Nukliyeerka, ay sii kordheyso.

Xurgufta ayaa xoogeysatay markii Hindiya ay laashay aqoonsiga gaarka ee gobolka Muslimiintu ku badan yihiin kuna soo rogtay howlgalo.

Dhaqdhaqaaqyadda ammaanka ayaa waxay socdaan muddo bilooyin ah, iyadda oo isu socodkii gobolka uu noqday mid aad u culus.

Waa markii saddexaad oo isbuucyo gudaheeda ah ay Islamabad u diiday hogaamiyeyaasha India in ay isticmaalaan hawadeeda.

Dalab ka yimid madaxweynaha Hindiya, Ram Nath Kovind, iyo ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa hoos loo dhigay bishii lasoo dhaafay.

Modi ayaa kusii jeeday Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli lahaa shir looga hadlayo arrimaha ganacsiga, kaasoo muhiim u ah dalkiisa.

Kashmir oo dadka ku nool badankooda ay Muslimiin yihiin ayaa waxaa isku haysta labada dal, iyadda oo dagaalo qaraar oo dhexmaray uu dhimasho keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM

Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 11:54AM