Dalal joojiyay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 MAX 8

Image

Dowladaha Ethiopia iyo China ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen adeegsiga diyaaradaha ay farsameyso Shirkadda Boeing, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyy ee loo yaqaano "737 MAX 8".

Go'aankan ayaa yimid kadib markii diyaaradda ay lahayd Ethiopian Airlines ay ku burburtay duleedka Addis Ababa, 6 daqiiqadood kadib markii ay kasoo duushay Bole International Aiport, iyadoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay 157 qof, oo 8 kamid ah ay shaqaalaheeda ahaayeen.

Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in aysan duulimaadyadeeda ganacsiga u isticmaali doonin diyaradaha Boeing 737 MAX 8, iyadoo wali la baarayo sababta iyo ciladda keentay in diyaaradii shalay burburto.

Diyaaraddii shalay shilka gashay ayaa shaqeynaysay mudo saddex billood ah, waxayna kamid ahayd raxan diyaarado ah oo dowladda Ethiopia kasoo iibsatay Shirkadda Boeing, oo laga leeyahay Mareykanka.

Muwaadiniinta in ka badan 35 dal oo Soomaaliya, Mareykanka, Canada iyo Kenya ay kamid ahaayeen ayaa ku geeriyoodey Shilkii diyaaradeed ee dhalay gashay diyaaradda Ethiopian Airlines.

Amniga diyaaradaha Boeing 737 MAX 8 ayaa shaki laga qaadey kadib markii mudo shan bilood gudahooda ay shilal dhimasho badan sababay ku kala gashay dalalka Ethiopia iyo Indonesia.

Diyaarad ay lahayd Shirkadd Lion Air, oo fadhigeedu yahay Indonesia ayaa burburtay wax yar kadib markii ay kasoo duushay Garoon ku yaalla magaaladda Jakarta ee dalkaasi October 2018, iyadoo shilkaasi ay ku dhinteen 189 rakaab ah oo la socday.

Ethiopian airlines ayaa isticmaali jirtay 5 diyaaradood oo nooca 737 Max 8, waxaana ay sugeysay inay sanadkaan iibsato 25 diyaaradood oo kale, balse go'aankaasi hadda laga fiirsanayo kadib shilkii shalay.

Shilalkan shacay iyo go'aannada Ethiopia iyo China ayaa dhaawac weyn gaarsiinaysa dhaqaalaha iyo sumcadda Boeing, oo ah shirkadda ugu horeysay ee sameysa diyaaradaha ugu casrisan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM