Dalalka Khaliijka Carabta oo ku baaqay in QM soo farageliso Suuriya

Image

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay soo farageliso Suuriya si loo joojiyo duqaynta cirka ah ee lagu hayo magaalada Xalab oo Golahani sheegay inay ku dhinteen boqolaal rayid ahi.

Golaha oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cummaan iyo Qatar ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee dowladda Suuriya ku haysto magaaladu ay si qorshaysan u beegsanayaan goobaha rayidku degan yihiin, waxaanay ku tilmaameen inay xadgudub badheedh ah ku yihiin xeerarka caalamiga ah. 

Baaqa uu soo saaray Golaha Iskaashiga Khaliijku oo ay baahisay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xoghayaha goluhu ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay si dhakhso ah u joojiyaan weerarrada lagu hayo magaalada Xalab isla markaana la soo afjaro silica ay ku jiraan shacabka Suuriya.

Image captionmagaalada Xalab ee waddanka SuuriyaGolaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay soo farageliso Suuriya si loo joojiyo duqaynta cirka ah ee lagu hayo magaalada Xalab oo Golahani sheegay inay ku dhinteen boqolaal rayid ahi.

Golaha oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cummaan iyo Qatar ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee dowladda Suuriya ku haysto magaaladu ay si qorshaysan u beegsanayaan goobaha rayidku degan yihiin, waxaanay ku tilmaameen inay xadgudub badheedh ah ku yihiin xeerarka caalamiga ah.  

Baaqa uu soo saaray Golaha Iskaashiga Khaliijku oo ay baahisay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xoghayaha goluhu ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay si dhakhso ah u joojiyaan weerarrada lagu hayo magaalada Xalab isla markaana la soo afjaro silica ay ku jiraan shacabka Suuriya.  

Sidoo kale waxa Golaha Khaliijku Qaramada Midoobay ugu baaqay inay fuliso qararradii Golaha Ammaanku ka soo saaray xiisadda Suuriya. Baaqan dalalka Khaliijku wuxu soo baxay saacado uun ka dib, markii isbitaalka ugu wayn qaybta ay mucaaradu gacanta ku hayaan ee bariga magaalada Xalab muddo dhawr maalmood gudahood ah mar saddexaadkii la duqeeyay.  

Mareykanka ayaa isagu wali ku dhagan mawqifkiisa ah in xalka keliya ee dhiigga ku daadanaya Suuriya lagu joojin karaa yahay wada hadal. 

Hase yeeshee waxa wararku sheegayaan in niyad jabka isa soo taraya ee ay ka qaadeen dalalka khaliijku mawqifka Washington uu suurtogelin karo in dalalkaasi mucaaradka oo ay taageersan yihiin siiyaan hub lidka diyaaradaha ah oo ah gantaalo casri ah oo garabka lagu qaado.

BBC 

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM