Dalka Ingriiska oo u codeeyey inuu ka baxo midowga Yurub

Image

Dalka Ingriiska ayaa u codeeyey 52% iyo 48% iney ka baxaan midowga Yurub kadib 43 sano kadib markii cod loo qaado kamid ahaan-shahaan.

Magaalada London iyo Scotland ayaa si buuxda ugu codeeyey iney kamid ahaadaan midowga Yurub halka isu soo bax la'aan ay sababtey in codka ku sii jirista Yurub aad u hooseeyey Woqooyiga dalka Britain. 

Hogaamiyaha xisbiga UKIP Nigel Farage ayaa natiijadaan ku tilmaamey iney lamid tahay dalka Ingriiska dib u heley xornimadiisa.

Natiijadaan ayaa sababtey in Sarifka lacagta Pound hoos u dhicii ugu xumaa ku yimid marka loo eego dollarka tan iyo sanadkii 1985.

Isu soo baxa codbixintaan ayaa aheyd midii ugu badneyd 71.8% - taasoo u dhiganta in dad gaaraya 30 million qof codeeyeen- waxay noqotey midda ugu sareysay dalka Ingriiska tan iyo sanadkii 1992.

Wales iyo inta badan dalka Ingriiska dhulka ka baxsan magaalada London waxaa aad looga codeeyey in ay ka baxaan midowga Yurub.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee shaqaalaha John McDonnel ayaa sheegey in Bangiga Dhexe ee Ingriiska looga baahan yahay inuu soo faragaliyo si uu u xoojiyo lacagta Pound kadib natiijada soo baxdey kaasoo 6.5% hoos uga dhacey lacagta euro.

UKIP hogaamiyaheeda xisbiga Nigel Farage ayaa ku dhawaaqey in Ra'isal wasaaraha dalka Ingriiska David Cameron is casilo madaama uu olole ugu jirey sidii dalka Ingriiska ugu sii mid ahaan lahaa midowga Yurub.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM