Dalka Itoobiya oo isticmaalaya dekadaha dalka Eritrea

Image

ADDIS ABABA- Labada hogaamiye ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxay isku afgarteen iney xiriir dhaqaale sameystaan kadib markii kulan taariikhi oo soo afjarey colaad labaatan ku dhexmarey magalada Asmara.

Ku dhawaaqista go’aankaan ayaa laga sheegey Talefishinada qaranka ee labadaan dal kadib kulanka ay maalintii Axada ku  yeesheen magaalada Asmara Ra’isal Abiy iyo Afwerki.

Dalka Ethiopia ayaa bilaabaya isticmaalka dekadaha dalka Eritrea kuwasoo xirnaa sanadihii u dhexeeyey 1998-2000 kadib markii halkaas ka dhaceen dagaal xuduudeed dhiig badan ku daatey.

“ Dhamaan dadka Ethiopia iyo Eritrea, waxaan idiin leeyahay hambalyo,” sidaas waxaa yiri Abiy markii uu booqanayey dalkaas isagoo si toos ah uga hadlayey saxaafada labada dal. “ Ma jiro xuduud u dhexeeya labadaan dal; balse waxaan dhisney buundo walaaltinimo iyo jaceyl laga bilaabo maanta.”

Isku soo dhowaanshaha labadaan dal oo mar ahaan jirey cadow waxay kamid tahay isbadalada degdeg ah ee ka socda dalka Ethiopia kuwasoo uu hirgalinayo Ra’isal wasaraha da’da yar Abiy Ahmed kasoo xafiiska la wareegey bishii April ee sanadkaan.

Wadanka Ethiopia ayaa wajahayey kacdoono shacab ka hor isbadalakaam kuwasoo khatar galiyey dhaqaalaha dalkas oo mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah ku socdey. 

Ra’isal wasaare Abiy ayaa sidoo kale ku dhawaaqey in xayiraada maalgalineed uu ka qaadayo shirkadaha diyaardaha, sonkorta iyo Isgaarsiinta isagoo ugu yeerey in maalgalin shisheeye.

Dalka Ethiopia ayaa horey xiriir dhinaca isticmaalka Badda ula lahaa dalalka Jabuuti iyo Sudan balse tan iyo intii Ra’isal waaare Abiy xafiiska yimid waxay bilaabeen xisbiga talada dalkaas haya iney kor u qaadaan xiriirka dhinaca Gadiidka ah ay la leeyihiin dalalka ku hareeraysan.

Bishii May, dowlada uu hogaamiyo Abiy waxay ogolaatey iney horumariso dekada Badda Cas ku taal ee Port Sudan halka heshiis la isku waydaarsanayo saamiyo dhinaca dekadaha, diyaardaha iyo Isgaarsiinta uu la galey dalka Jabuuti. Waxa kale uu qorsheynayaa in dhul ka iibsadaan dakada Kenya ee ku taal Lamu “Lamu Port” kadib markii kulan uu la qaatey dhowaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sanadkaan bilowgiisa Ethiopia ayaa heshiis Sadex geesood ah la gashey maamulka Somaliland iyo DP World kasoo ahaa isticmalaka dekada Berbera.

Kulanka labada hogaamiye ayaa waxaa sidoo kale heshiis lagu gaarey in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyeed ee u dhexeeyey iyadoo dhowaan safaarado laga furayo labada magaalo madax.

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM