Dalxiisihii reer America ee lagu afduubtay Uganda oo lasoo furtay

Image

KAMPALA, Uganda – Laamaha amaanka Uganda ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan dalxiisihii reer America ee la afduubtay isaga iyo darawalkiisa todobaadkii hore.

Dalxiisaha ayaa magaciisa lagu sheegay Kimberley Sue Endecott oo 35-sano jir ah halka darawalkiisa oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo Jean Paul.

Warbaahinta maxaliga ah oo soo xigatay illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa tabineysa in ragaan laga soo helay tuulada Ishasha.

Ishasha ayaa ku taala xuduudka ay Uganda la wadaagto wadanka qalalaasaha ah ay ka jiraan ee Democratic Republic of Congo.

Dhibanayaasha ayaa laga qafaashay 2-dii bishaan April beerta loo tamashlo tago ee Queen Elizabeth. Tan iyo xiligaasi baadigoob ayaa lagu hayay.

Howlgalka lagu soo furtay waxaa si wadajir ah u qaaday ciidamada Booliska, Milatariga iyo Ilaalada Dugaagta.

Dableyda afduubka geystay ayaa la sheegay in ay dalbadeen 500-kun oo dollar oo madax furasho ah, balse waxay u muuqataa mid ay ku hun-goobeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM