Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa dhaliyey muran ballaaran iyo cambaareyn xooggan oo ka timid dalal Carbeed iyo Islaami ah, kaddib hadallo uu ka jeediyey xuduudaha iyo dhulka ay Israa’iil xaq u yeelan karto.
Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker Carlson, kaas oo si gaar ah u weydiiyey aragtidiisa ku aaddan waxa loo yaqaan ballan-qaadka Kitaabka Quduuska ah ee dhulka u dhexeeya webiyada Niil iyo Furaat — dhul ay qaar ka mid ah Kiristaanka Sahayuuniyadda aaminsan yihiin in loo ballan-qaaday faracyada Nabi Ibraahim.
Isagoo ka jawaabaya su’aasha, Huckabee wuxuu sheegay in “aysan wax dhib ah lahayn haddii Israa’iil wada qaadato dhulkaas oo dhan.” Hadalkan ayaa si weyn u kiciyey dareen siyaasadeed iyo mid diimeed, maadaama dhulka uu tilmaamay uu ku fidsan yahay dalal badan oo Bariga Dhexe ah, sida Lubnaan, Suuriya, Urdun iyo qaybo ka mid ah Sacuudi Carabiya.
Markii falcelin xooggan ka dhalatay, danjiraha ayaa dib u jilciyey hadalkiisa, isagoo ku tilmaamay mid uu ku muujinayey fikir buun-buunin ah, isla markaana sheegay in Israa’iil aysan qorsheynayn ballaarin dhuleed, balse ay xaq u leedahay oo keliya iney amniga ku hesho dhulka ay hadda maamusho.
Si kastaba, hadalladiisa waxaa si degdeg ah uga falceliyey dowlado badan oo gobolka ah. Sacuudi Carabiya, Masar iyo Urdun ayaa si isku mid ah u cambaareeyey, iyagoo ku tilmaamay hadallada kuwo xagjirnimo xanbaarsan, kicin kara xiisad, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dowladaha gobolka. Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna bayaanadooda ku sheegay in hadallada noocan ahi ay hurinayaan dareenka diimeed iyo mid qaran.
Huckabee, oo uu madaxweyne Donald Trump u magacaabay xilkan sanadkii 2024, horey ayuu ugu caan baxay aragtiyo si buuxda u taageersan Israa’iil. Wuxuu si joogto ah uga soo horjeestay fikradda laba-dowladood (Falastiin iyo Israa’iil), wuxuuna marar hore xitaa shaki geliyey jiritaanka aqoonsiga qaran ee Falastiiniyiinta.
Dhinaca kale, maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa 2024 go’aamisay in gumeysiga Israa’iil ku hayso dhulka Falastiin uu sharci-darro yahay, islamarkaana ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo.
Israa’iil weli si cad uma qeexin xuduudaheeda rasmiga ah, waxayna haysataa dhulal kale oo muran ka taagan yahay, sida Buuraha Golan ee Suuriya oo ay si sharci-darro ah ugu darsatay 1981 — tallaabadaas oo Mareykanka kaliya aqoonsaday 2019. Intaa waxaa dheer, dagaalkii 2024 ee ay la gashay Xisbullah kaddib, Israa’iil waxay saldhigyo ciidan ka sameysatay goobo ku yaalla gudaha Lubnaan.
Siyaasiyiin Israa’iili ah, oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu, ayaa marar kala duwan ka hadlay fikradda “Israaiil Weyn” — aragti ku saabsan xuduudo ka ballaaran kuwa hadda jira — taas oo sii hurinaysa doodaha ku saabsan mustaqbalka juqraafiyeed ee gobolka.
GAROWE ONLINE