Danjire ka gaabsadey in uu gacan-qaado boqoradda Spain

Image
Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa muuqaalkan ku faafay barta Twitter-ka.

LONDON, United Kingdom - Safiirka Iran ee Spain, Hassan Ghashghavi, ayaa ka gaabsadey in uu salaamo boqorad Letizia. Danjiraha wuxuu kamid ahaa koox diblumaasiyiin ah oo lagu casuumay qasriga Zarzuela.

Muuqaallka oo aad loogu faafiyey barta Twitter-ka ayaa waxa uu muujiyey iyadda oo Ghashghavi uu salaamayo Boqor Felipe VI laakiin uusan gacan-qaadin boqorad Letizia oo dhinaciisa taagneyd.

Taageerayaasha boqortooyada ayaa, sida laga soo xigtay Daily Mail, waxay aaminsan yihiin in talaabadda safiirka Iran ay tahay "xushmad darro" iyo "wax laga xumaado."

Dadka aragtidooda ku dhiibtey baraha bulshadda ayaa iftiimiyay in markii danjiraha uu uu gacanta midig saaray laabta uu inyar madaxa hoos aadiyey taasoo qeyb ka ah dhaqanka Iran.

Qaar kale ayaa waxay qiyaaseen in sababta aysan boqoradda wax dhaqdhaqaaq ah u sameynin mar-xaladaas ay qeyb ka tahay talo ay siiyeen kooxda u qaabilsan hab-maamuuska.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa muuqaalka safiirka Iiraan iyagga oo la xiriirinaya cilaaqaadka sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Tehran.

Islaamka ayaa waxaa mamnuuc ka ah in ragga iyo dumarka ee ajnabiga kala ah uusan jirkooda istaabin karin waxaana loo badinayaa in danjiraha Iiraan uu talaabadan qaadan isaga oo dhaqan-gelinaya shareecada Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM