Denmark oo soo saartay sharci lagu mamnuucayo gubida Qur’aanka

Image
SAWIR HORE

COPENHAGEN, Denmark - Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay Jimcihii soo bandhigayso sharci qabyo ah oo mamnuucaya in Qur'aanka kariimka ah lagu aflagaadeeyo "meel fagaare ah."

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka caddaaladda ee Denmark, Peter Hamilgaard, oo uu qoray wargayska maxaliga ah ee "Extra Bladet."

Hamilgaard ayaa sheegay in dawladdu ay soo saari doonto sharci mamnuucaya in si aan habboonayn loola dhaqmo walxaha muhiimka u ah diimaha, oo ay ku jiraan gubashada Quraanka.

"Qofkii guba kutubta diiniga ah waxaa lagu xukumayaa ilaa laba sano oo xarig ah," ayuu raaciyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aflagaadada loo geysanayo qur’aanka kariimka ahi ay wax u dhimayso danaha Denmark.

Hamilgaard ma sheegin wax faahfaahin ah oo ku saabsan habka loo qaatay sharciga qabyada ah iyo sida uu u dhaqan gali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM