​David Cameron oo xilka wareejinaya

Image

Ra'iisal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa bilaabay maalintiisii ugu danbaysay ee shaqada intuusan xilka ku wareejin Theresa May.

Mr Cameron ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii ay Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu qaban doonaa su'aalaha ra'iisal-wasaaraha ee baarlamaanka ee la qabto Arbacada oo ah tii ugu danbaysay ee uu qabanayo, ka dib wuxuu tagi doonaa guriga boqortooyada ee Buckingham Palace, si uu ugu gudbiyo iscasilaadiisa.

David Cameron ayaa sii wadi doona shaqadiisa xildhibaanimo ee baarlamaanka Britain.

Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go'aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.

BBC

Related Articles

Dowladda Suuriya oo xabbad-joojin la gaartay SDF kadib markii ay dib ula wareegtay inta badan gobollada

Heshiiska, oo ka kooban 14 qodob, kana soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Suuriya fiidkii…

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 06:39AM

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM