Dawladda Jarmalka oo ansixisay sharci fududeynayo helitaanka jinsiyadda

Image
SAWIR HORE

BERLIN, Jarmalka - Dawladda Jarmalka ayaa Talaadada ansixisay sharci oo fududaynaya habraacyada lagu siinayo jinsiyadda dadka soogalootiga ah, loona ogolaanayo inay heystaan laba jinsiyadood.

Sida laga soo xigtay habraacyada cusub ee ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Faransiiska, dhaqangelintooduna ay weli sugayso ansixinta baarlamaanka, helista jinsiyadda waxay suurtogal noqon doontaa degenaansho 5 sano ah ka dib halka ay hore u eheyd 8 sano.

Muwaadinima-doonka waxa uu baahan doonaa inuu caddeeyo inuusan ku tiirsanayn kaalmada dawladda, halka xaaladaha qaar laga reebi doono qodobkan, sida laga soo xigtay wakaaladda.

Waxayna wakaaladda wararka ee Jarmalku sheegtay in sharcigu u ogolaanayo dadka degen Jarmalka muddo 5 sano ah inay dalbadaan baasaboor Jarmal ah, waase haddii codsaduhu u hoggaansamo "qiyamka bulshada xorta ah".

Sidoo kale, waa in codsaduhu uu awoodi karo inuu maareeyo nolol maalmeedkiisa isagoon wax caawimaad ah ka helin dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM