Ddibadbax ka dhan ah Xuuthiyiinta oo Sanca ka dhacay

Image

January 24, 2015 (GO)- Kumannaan qof oo Yamaniyiin ah ayaa maanta dibadbax ballaaran oo ka dhan ah mileeshiyada Xuuthiga ka dhigey fagaaraha xoriyadda ee magaalada caasimada ah ee Sanca.

Dadka dibadbaxa dhigayey oo dhallinyaro u badan waxay codsanayeen in kooxdaasi dib uga baxdo magaalada iyagoo sidoo kale kasoo horjeestey iscasilaadii uu shalay ku dhawaaqay madaxweynihii dalka Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Madaxweyne Hadi ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu ku guul dareystey gudashada waajibaadkii qaran ee loo dhiibey, maadaama ay jiraan dhinacyo caqabad ku noqdey in dowladu horumar sameyso kana dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysey.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Sanca ayaa ah kii ugu horreeyey laga soo bilaabo September 2014, markaasoo mileeshiyaadka Xuuthigu la wareegeen qaybo badan oo kamida ah magaalada.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25 milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah, laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax. 

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka arimiya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah oo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM