Dhacdooyin naadir ah oo lagu arkay doorashada gobolada ee Turkiga

Image
Image
Image

ANKARA, Turkey – Doorashada gobolada ee dalka Turkiga oo si rasmi ah u bilaabatay Axada maanta ah ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan 57 milyan oo isku diiwaan-gelisay.

Cod-bixnta oo ka dhaceysa 81-da gobo lee wadankaasi ayaa waxaa ay cod-bixiyaasha kala xushaan 12 xisbi siyaasadeed oo baratameysa.

Shacabka ayaa dooranaya duqa magaalada, duqa degmada, golaha degaanka, mas'uuliyiinta xaafadaha iyo golaha odayaasha.

Coddeynta oo bilaabatay labadii subaxnimo ee maanta ayaa waxaa laga soo diiwaan-geliyay dhacdooyin naadir ah ama cajiib ah.

Dhacdooyinkaasi waxaa kamid ah in cod-bixiyaasha qaar ay la imaanayeen goobaha cod-bixinta xayawaano sida shimbir iyo bisad [yaan-yuur].

Waa markii ugu horeysay oo doorasho gobolo ay ka dhacdo Turkiga tan iyo markii dalkaan u bedashay nidaamka madaxtooyada kadib aftidii 2017-kii.

Doorashada gobolada ee Turkiga taasi oo ka horeysay tan iminka socota ayaa la qabtay sanadkii 2014-kii, markaasoo dalku haystay nidaamka baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM