Maxkamadeynta Trump oo halis gelineysa ololahiisa doorasho

Image
SAWIR HORE

WASHINGTON, Mareykanka - Maxkamad ku taal gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa u yeertay madaxweynihii hore ee dalka Donald Trump si uu u horyimaado bisha soo socota, isaga oo loo heysto eedeymo la xiriira isku daygii uu ku doonayay in uu wax kaga beddelo natiijada doorashada madaxtinimada ee 2020-ka.

Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku cadaadiyay madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence inuusan ansixin natiijada doorashada hore iyo inuu kaciyay "Trumpists" (taageeaashiisa) inay weeraraan Dhismaha Congress-ka si ay u carqaladeeyaan hanaanka cadeynta natiijada ugu dambeysa ee doorashada.

Dacwad oogaha gaarka ah Jack Smith ayaa codsaday in la qabto maalinta dacwadda. Laakiin qareenada difaacaya Trump ayaa codsaday in maxkamadeyntu bilaabato Abriil 2026, qiyaastii 18 bilood ka dib doorashooyinka Noofambar 2024.

Garsoore Chutkin ayaa si adag u diiday codsiga difaaca ee ah in laba sano dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, iyada oo tixgelinaysa in muddada ay aad u dheer tahay.

Go'aankeeda ayaa saameyn weyn ku yeelan kara rabitaanka Trump ee ah inuu ku guuleysto magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimo, ka dibna uu ku guuleysto xilka madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM