Dhaqaalaha Sudan oo sii liicaya iyo dowladda oo qorshe cusb soo saartey

Image

KHARTOUM - Wakaaladda wararka ee dalka Sudan ayaa shaacisay in bangiga dhexe ee dalkaasi uu bilaabi doono daabacada 100 pound oo ah lacagta Sudan ee xaanshida ah si wax looga qabto dhibaatada dalkaasi ka haysata lacagta cadaanka.

Waqti xaadirkan lacagta Sudan ee xaashida ah ayaa ah 50 pound oo lacagta dalkaasi ah. Dhibaatada dhaqaale ee ka taagan Sudan ayaa ahayd mid sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay .

Heerka Sicir bararka ayaa hadda gaaray 60%, qiiimaha lacagta Sudan ayaa sidoo kale hoos u sii dhacaysay. Waxaa imika dalkaasi ku yaraaday lacagta caddaanka ah ee ay dadka wax ku iibsadaan.

Dadka ayaa safaf dhaadheer u gala maalin walba bangiyada dalkaasi iyaga oo doonaya in ay lacago kala baxaan. Balse Dadka ayaa la bixi karo oo kali ah tiro cayiman oo lacag ah, oo xitaa mararka qaar wax ka yar 20 doolar.

Dhaqaalaha Sudan aya ahaa mid aan cago adag ku taagnayn tan iyo markii South Sudan ay madax banaanida qaadatay sanadkii 2011-kii. Markii ay South Sudan ka go'day Sudan ayaa waxaa saddex meelod laba meel wax soo saarka Shidaalka uu raacay South Sudan.

Arrintan ayaa horseeday in maciishadda qutul daruuriga ay sare u kacday. Dalka Sudan ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka dhacayay dibadbaxyo ay dadka uga cabanayeen maciishada oo qaali ah.

Cumar Al-bashir oo dalkaasi ka talinayay muddo dheer ayaa hadda doonaya in uu xilkaas mar kale u tartamo sanadka 2020-ka, balse caqabada hadda hortagan ayaa ah in u wax ka qabto dhibaatada dhaqaalaha ee dalkaasi ka taagan.

Madaxwayne Al-Bashir ayaa xilka dalkaasi kula wareegay afgembi militari sanaddii 1989.

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM