Dhimasho ka dhashay huteel uu dhisme ku socday oo soo dumay

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan hal qof ayaa ku naf-waayay, saddex kelana waa la la'yahay ka gedaal markii huteel uu dhisme ku socday kuna taala magaaladda New Orleans, gobolka Louisiana ee Mareykanka, uu dumay.

Inta la xaqiijiyey 18 kelana oo aan la ogayn xaaladood kana kamid ahaa shaqaalihii dhismaha waday ayaa Isbitaal loola cararay.

Muuqaal laga soo duubay goorta uu dhismuhu soo dumayey ayaa muujinaya iyada oo qeybta ugu sareysa ee dhismaha ay dhulka kusoo dhaceyso, ayna kala cararayaan howladeenadii ku guda jiray dhismihiisa.

Ma cadda illaa iyo haatan waxa dhaliyay shilkan, balse warbaahinta ayaa ku warameysa in baaritaano lagu bilaabay si loo ogaado xaqiiqada.

Naqshadda dhismaha huteelkan ayaa la diyaariyey bishii Febraayo ee sanadkii hore 2018-kii, wuxuuna qorsuhu ahaa in la daah-furo xagaaga.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa tacsi waxay u direen eheladda uu ka baxay shaqsiga dhintay, iyaga oo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah bukaanadda lana helo xubnaha aanan raq iyo ruuxda lagu haynin illaa waqti xaadirkan.

Huteelka oo magaciisu yahay Hard Rock ayaa ku yaala meel ku dhow wado laami ah oo ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ee PL-ka, taasi oo dhaqdhaqaaqeeda uu muddo kooban uu hakad ku yimaada kadib dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM