​Dhul-gariir ka dhacay Japan oo dilay 19 qof

Image

Dhulgariir xooggan yaa saaka aroortii hore ka dhacay dalka Japan gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Kumamoto, halkaaso 24 saaac ka hor ka dhacay dhulgariir sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawac tiro badan.

Khasaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu gaarayo 19 dhimasho ah iyo dhaawaca 1,500 qof oo kale, kuwaaso 80 kamid ah xaaladoodu liidato, waxaan lagu dabiibayaa cusbitaallada waaweyn ee dalkaasi.

Dhul-gariirkan ayaa heerka cabirkiisa lagu qiyaasay 7.1.

Muuqaalo ay baahiyeen TV-yada dalkaasi ayaa muujinaya bur-burka iyo dhibka waddankaasi ka dhacay, iyadoo lagu soo waramayo inay dumeen dhismayaal tiro badan islamarkaana Korontadu gaysatay qasaaraha qayb kamid ah.

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe waxa uu sheegay in dadka lagu wargelin doono siday wax u dheceen, isagoo amray in dhammaan saraakiisha quseyso dhacdadan ay sidegdeg ah xaaladda u qiimeeyaan, si howlaha gurmadka loo billaabo.

"Waxaa nasaaran mas'uuliyad xooggan, khasaarahana waa sii kordhayaa hadii aan dhakhso wax looga qaban. Waxaa inagu waajib ah in xaaladda lasoo qiimeeyo gaar ahaan waaxyaha ku shaqada leh, si loo sameeyo gurmad,"Ayuu yiri Shinzo Abe, Ra'isal wasaraha Japan.

In kabadan 3,000 ciidamada isugu jira Boliiska iyo kuwa dab-damiska ayaa heegan la galiyay dalkaasi.

Xaalad dag-dag ah ayaa lagu soo rogay waddankaasi, waxaana socda dadaalo lagu samata bixinayo dadkii dhawacmay iyo kuwa 44,000 kor u dhaafaya ee hoy la'aantu soo wajahday.

Balse, khubarada ku xeel dheer arrimaha dhul-gariirka ayaa ku waramaya in xaaladu adkaato maadama wali jirto wal-wal laga qabo inuu dhul gariir kale dhaco.

Dalka Japan, ayaa kamid ah waddamada inta badan uu ka dhaco dhulgariirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM