Dhulgariir ku dhowaad kun qof ku dilay Afgaanistaan

Image
Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka..

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dilay 950 qof dalka Afghanistan Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka masiibooyinka, iyadoo in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha musiibooyinka ayaa sheegay in ay suurtagaltahay in khasaaraha uu sii kordho marka la eego xogaha laga helayo tuulooyinka fogfog ee buuralayda ah.

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka.

Dadaallada samata bixinta ayaa diyaarado Helicopters ah gaarsiiyay goobaha musiibadu ka dhacday si loo gaaro dadka dhaawaca ah si ay u helaan gagaar caafimaad iyo cunto, sida uu sheeegay Salahuddin Ayubi. oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

"Dhimashadu waxay u badan tahay inay sii kororto maadaama tuulooyinka qaarkood ay ku yaallaan meelo fogfog oo buuraleyda ah, waxayna qaadan doontaa waqti in la soo ururiyo faahfaahinta." ayuu raaciyay Ayubi.

Dhul-gariirkii Arbacadii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa tan iyo sanadkii 2002. Waxa uu ku dhuftay meel 44 km u jirta koonfurta bari ee magaalada Khost, una dhaw xuduudka Pakistan, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGC).

Inta badan dhimashadu waxa ay ka dhacday gobolka bari ee Pakistan, halkaas oo 255 qof ay ku dhinteen in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheeegay Ayuubi.

Musiibadan ayaa imaaneysa iyadoo Afghanistan ay la daalaa dhacayso dhibaato dhaqaale oo aad u daran tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen talada dalkaas, iyadoo ciidamada caalamiga ah ee uu hogaaminayo Mareykanka ay isaga baxeen kadib labaatan sano oo dagaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM