​Dibad-baxyo kasocda dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Dibad-baxyo rabshada wata ayaa ka socda waddanka Ethiopia kaasoo iminka soo gaaray magaalada Caasumadda ah ee Addis Ababa. Waxaana wararka ka imaanaya ay sheegayaan in Booliis habaysan tageen goobaha la isugu yimi.

Mudaharaadyadan ayaa waxaa dhigaya Qowmiyadda ugu badalka dalkaasi ee Oromada kuwaasoo ka cabanaya xad-gudubyo ay sheegeen in dowladdu ku sameysay.

Waxaa jira dad badan oo xabsiga loo taxaabay iyo kuwo dhaawacmay kadib markii Booliisku gaareen.

Fagaaro ku yaalla magaalada Caasumadda ee Addis ayaa maanta waxaa isugu yimi boqolaad ruux oo kasoo horjeeda tallaabooyinka dowladdu ku dhaqaaqday ee ku aadan cabashadooda, waxayna sheegeen inaysan arrintaasi u dulqaadan doonin.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in mudaaharaadyo ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaaran dalka Ethiopia.

Mudaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol'oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaaran ee Oromada.

Waxay sheegayaan in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xirtay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilawdeen bishii 11 ee sandkii hore.

Horay warbixin ay usoo saartay hay'adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay sheegtay in xukuumadda dalkaasi si sharci darro ah u laysan dad dibad-baxyo silmi ah dhigayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM