Dibadbaxyaal u daatay qasriga Madaxtooyadda Brazil

Image
Waxaa la arkayay dadka faras dushiis kasoo ridaya askari booliiska ah, kadibna si xun u garaacaya.

BRSILIA, Brazil - Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsanaro ayaa u dhacay guriga madaxtooyada dalkaasi, dhismaha maxkamadda sare iyo Aqalka Koongareeska, iyaga oo diidan doorashadii dhowaan uu kusoo baxay madaxweyne Lula Da Silva.

Jamaahiirtan careysan ayaa ku doodaya in doorashada lagu shubtay, doodaas oo uu qabo madaxweynihii hore oo weli aanan aqbalin natiijada, islamarkaasna u duulay gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinaya banaanbaxayaasha oo burburinaya kuraasta iyo miisaska goobihii ay galeen, iyaga oo qaarkood ay weerareen ciidanka booliiska. Waxaa la arkayay dadka faras dushiis kasoo ridaya askari booliiska ah, kadibna si xun u garaacaya.

Madaxweynaha todobaad ka hor xilka loo dhaariyay Lula Da Silva ayaa ciidanka amniga ku eedeeyay in ay xakameyn waayeen amniga caasimadda, isaga oo ka codsaday in ay soo celiyaan kala dambeynta.

Madaxweynihii hore ayaa iska fogeeyay in uu isaga dabada ka riixayo rabshadaha dhacaya. Dibadbaxayaasha ayaa gooyay waddooyin muhiim ah, iyaga oo xitaa hor dhoobtay saldhig weyn oo ay ciidamada leeyihiin, waxayna ku baaqayaan in militariga ay farogaliyaan arrinka, lana wareegaan xukunka.

Doorashadii dhoweyd ee dhacday ayaa dhalisay buuqii ugu badnaa maadaamaa labada musharax ay aad isugu natiijo dhowaayeen, iyada oo uu natiijada diiday madaxweynihii hore oo qaba in lagu shubtay.

Arrinta ka dhacday Brazil ayaa la mid ahayd tii ka dhacday Maraykanka, halkaas oo taageerayaasha Trump ay weerareen dhismaha Capitol Hill ee fadhiga baarlamaanka ah. Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa waxa ka dhacay Brazil ku tilmaamay wax laga xumaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM