Diblomaasiyiin u dhashay Britain oo laga soo eryay Ruushka

Image

MOSCOW - Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkeeda ka ceyrinayso 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Britain, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar loo adeegsaday sun oo lagu qaaday nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse markii dambe iska dhiibay dalka UK.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga musaafurin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah go'aanka Britain ay dalkeeda uga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa lagu amray in ay Britain ka baxaan kaddib murankii diblomaasiyadeed ee ka dhashay weerar lagu qaaday Sergei Skripal oo 66 isla markaana ka tirsanaan jiray mukhaabaraadka Ruushka iyo gabdhiisa Yulia Skripal oo 33 jir ah.

Weerarkaasi ayay Britain ku eedeysay dowladda Ruushka balse xukuumadda Moscow waa ay beenisay eedeymahaasi.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xirayo hay'adda Britain u qaabilsan dhaqanka iyo in aan la ogolaan doonin in Britain ay qunsuliyad ka furato magaalada St Petersburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM