Digaaga iyo Ukunta bac-raminta oo halis caafimaad leh [Daraasad]

Image

Khuburo caafimaad oo u dhashay Mareykanka ayaa ogaaday in cunista Digaaga iyo Ukunta bac-raminta ay halis caafimaad ku sababi karaan qofka bani'aadamka.

Cilmi-baarista oo lasoo bandhigay todobaadkan, ayaa waxaa lagu sheegay in dad ka badan 222, oo ku nool 44 dal oo caalamka ah ay xanuuno kala duwan ka qaadeen cunistada badan ee Ukunta iyo Digaaga bac-raminta.

Cilmi-baarayaashu waxay tilmaamayeen in xanuuno ay sababto bakteeriyadda Salmonella ay ku jirto Ukunta dhexdeeda, islamarkaana qofka cuna ku saameyn karto muddo ku dhow 12 illaa iyo 72 saacadood.

Salmonella bacteria ayaa sababta xanuuno ku dhaca caloosha, sida shubanka iyo qandho waxaana lagu ogaadey Daraasadda in ku dhawaad 500 oo qof ay sanad walba ku disho Mareykanka.

"Taabashadda, urrinta iyo cunista ayaad ku qaadi kartaa xanuunkaan. Waxaadna u baahan tahay inaad mar walba oo aad taabato Ukun ama Digaag nool oo bac-ramin ah aad iska dhaqdo gacanta," ayaa lagu yiri Daraasada.

Xarunta CDC ayaa sheegtay in Daraasaddaan ay soo wadeen illaa iyo sanadkii 2011-kii, ayna soo ogaadeen in Digaaga iyo Ukunta bac-raminta ay sidoo kale ay halis caafimaad ku tahay dadka waa weyn, iyo kuwa yarba.

Dhakhtar Megin Nichols, oo madax u ahaa kooxda sameysay Cilmi-baaristaan ayaa daboolka ka qaaday in sida kaliya ee looga badbaadi karo halistaan caafimaad ay tahay inaan loo dhawaan Digaaga iyo Ukunta bac-raminta ah.

Sanadihii u dambeeyay caalamka, gaara ahaan Soomaaliya waxaa kusoo kordhayay adeegsiga Digaaga iyo Ukunta bac-raminta, taasoo hadda la sheegayo inay Halis caafimaad ku tahay qofka bani'aadamka ah - dadka waa weyn iyo kuwa yar-yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM