Dimoqraadiga oo ka shaqeynaya xil ka qaadis lagu sameeyo Trump

Image

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa meesha ka saartay xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweyne Trump, ayada oo sheegtay inuusan mudneyn, inkasta oo ay taasi si aad ah u doonayaan qaar ka mid ah xubnaha bidixda fog ee xisbigeeda dimoqraadiga.

Wareysi ay siisay Washington Post ayay Pelosi ku sheegtay “ma taageersani xil ka qaadis lagu sameeyo Trump”

“Illaa ay jiraan caddeymo aad u weyn iyo taageero labada dhinac ah mooyee, ilama ahan inaan waddadaas marno, sababto ah waxay kala qeybineysaa waddanka” ayay tiri Pelosi.

Hadalka Pelosi ayaa muujinaya is-beddel ku yimid dimoqraadiga oo markii hore si aad ah u aaminsanaa in mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha ay horgeeyaan aqalka wakiilada.

Mid ka mid ah sababaha ayaa ah ayada oola rumeysan yahay in ay badan tahay in natiijada baaritaanka Robert Mueller ay noqon doonto mid aan adkeyn oo caddeymo buuxa oo dambiyeed ku heli doonta madaxweynaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga la socoshada iyo isbeddelada ee Congress-ka, Elijah Cummings ayaa ku raacay Pelosi fikirkeeda, wuxuuna sheegay in xil ka qaadista ay u baahan tahay inay taageeraan labada xisbi, taasi oo hadda aan muuqan.

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM