Dimuqraadiga oo qarka u saaran hogaanka Aqalka Sare

Image

WASHINGTON, US – Xisbiga Dimuqraadiga ee uu calanka u wado madaxweynaha la doortey Joe Biden ayaa kusii dhawaanaya in uu hogaanka u qabto Aqalka Sare ee baarlamaanka Mareykanka ka gedaal markii uu ku guuleystay laba kamid ah kuraas Arbacada maanta ah loo galay doorasho ku celis ah.

Raphael Warnock oo ka tirsan Dimuqraadiga ayaa ka adkaadey Kelly Loeffler oo mataleysay Jamhuuriga. Guuleystaha wuxuu helay 50.5 boqolkiiba, halka musharaxa laga badiyey uu codadka illaa haatan la tiriyey uu ka heshay 49.5 boqolkiiba.

Sidda ay warisay The Associated Press, codadka illaa haatan la tiriyey waa 98 boqolkiiba, waxaana labada musharax ay kursiga ugu loolameen si aad u xoogan.

Natiijadda kursiga labaad oo ay ku baratamayaan Jon Ossoff oo Dimuqraadiga ka socda iyo David Perdue oo Jamhuuriga ah ayaan wali lagu dhawaaqin max-suulkeeda. Balse, waxaa la filayaa in lasoo bandhigo goor dambe oo Arbacada maanta ah.

Warnock, 51-jir baadari ka ah kaniisadda Ebenezer Baptist ee magaalada Atlanta, ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay oo madow ah kaasoo Senatornimo ku metela ismaamul goboleedka Dimuqraadiga aadka ugu xoogan yahay sanadkan ee Georgia.

"Waxaan u tegayaa Senate-ka si aan ugu shaqeeyo dhamaan dadka Georgia," ayuu ku yiri khudbadii uu jeediyey kadib markii guushiisa lagu dhawaaqay. "Qof walba oo halkan joogo wuxuu u halgamay guusha aan soo hoynay maanta".

Wuxuu ku daray: "Kaligey ma aanan guuleysan, codkiina ayaa guuleystay. Waan idin maqlayaa, waan idin arkayaa, waxaana u dagaalami doonaa Ameerika".

Warnock ayaa mar kale wuxuu tartan gelayaa 2022-ka. Guusha uu hadda gaarey waxay u buuxineysaa laba sano oo muddo xileedka kursigiisa ka dhiman. Kursiga 2016-kii waxaa ku guuleystay Johnny Isakson balse is-casilay sanadkii hore isla markaana uu si ku meelgaar ah u bedeshay musharax Kelly Loeffler.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM