Diyaarad rakaab badan sidday oo la la'yahay
JAKARTA, Indonesia – Diyaarad ay leedahay shirkadda Sriwijaya Air oo la sheegay in ay sidday 60 rakaab ah ayaa la waayey waxyar kaidb markii ay Sabtida maanta ah ka duushay garoonka diyaaradaha caasimada Indonesia ee Jakarta, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxalliga ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-500 ayaa ku guda jirtay safar 90 daqiiqo ah oo ay isugu kala goosheysay Jakarta iyo Pontianak, oo ah magaala madaxda gobolka West Kalimantan oo dhaca Jaziiradda galbeedka dhacda ee Borneo.
Sidda laga soo xigtay bayaanka, dadka la socday diyaaradda ayaa 56 kamid ah waxay ahaayeen rakaab iyo lix shaqaale ah.
Surachman, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda hoose, ayaa u sheegay Kompas TV in kalluumeysato ay heleen wax u muuqday burburka diyaarad ku jirtay biyaha waqooyiga Jakarta baaritaanna uu socdo. Telefishino kale oo maxali ah ayaa baahiyey sawirro looga shakisan yahay burburka.
"Waxaan ka helnay qaar ka mid ah fiilooyin, gabal jiinis ah, iyo qaybo bir ah oo biyaha dul yaal," Zulkifli, oo ah sarkaal laamaha amniga ka tirsan ayaa sidaas u sheegay CNNIndonesia.com.
Aftayeenka Wasaaradda Gaadiidka ee Indooniisiya Adita Irawati ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay "Diyaaradda la la'yahay hadda waxay ku jirtaa baaritaan waxaa la socota Hay'adda Qaranka ee Goobidda iyo Samatabbixinta iyo Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka."
"Xiriirkii ugu dambeeyay waxaa lala sameeyay 2:40 pm [0740 GMT]," ayay raacisay bayaanka ay soo saartey.
Bogga Twitter-ka ee Flightradar24 ayaa lagu daabacay in duulimaadka SJ182 "la waayey xiriirkiisa markii diyaaradda hawada u gashay in ka badan 10,000 oo fiid [3,000 oo mitir] ama wax ka yar hal daqiiqo, qiyaastii 4 daqiiqo kadib markii uu ka ambabaxay Jakarta”.
Diyaaraddu waa 27-jir ah nooceedu yahay Boeing 737-500, sidda ku cad faahfaahinta diiwaangelinta ee lagu daray xogta raadraaca.
Indooniisiya, oo ah waddanka ugu weyn jasiiradaha adduunka kuna nool yihiin in ka badan 260 milyan oo qof, waxaa hareeyay shilalka gaadiidka ee dhulka, badda iyo hawada sababta oo ah ciriiriga ka jira doomaha, kaabayaasha dhaqaalaha ee gaboobay, iyo heerarka nabadgelyada oo si liidata loo dhaqan geliyey.
Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 MAX oo ay maamusho shirkadda Indonesia ee Lion Air ayaa ku burburtay Jakarta dhammaadkii 2018, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 189 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda. Diyaaradda xiriirkeedu lumay Sabtida maanta ah ayaa ah nooc aad uga da' weyn.
GAROWE ONLINE