​Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku dhacday Badda Madow

Image

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa sheegtay inay badda ku dhacday diyaarad laga leeyahay dalkaas oo siday in kabadan  72 ruux oo u badnaa Kooxda bambayda ciidamada dalkaas.

Diyaaradda dhacday, oo ku sii jeeday waddanka Suuriya ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka duushay magaalo xeebeedka Sochi ee dalkaasi.

Wasaaradda difaaca waxay sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-154 siday 64 qof oo ka mid ah kooxda ugu sarreysa Muustikada ee ciidammadda Ruushka ee lagu magacaabo Alexandrov iyo sagaal wariye.

Xukuumadda Moscow, ayaa tacsi u dirtay kooxda ku bur-burtay shilka diyaaradeed, waxayna sheegeen inay aad uga xunyihiin dhacdadaas.

Lama oga waxa shilkaasi keenay, balse diyaaradda ayaa kasoo duushay magaalada Moscow iyadoo shidaal kasoo qaadatay Sochi.

Shilka diyaaradaha ayaa muddooyinkii dambe soo badanayay dunida iyadoo bishan dhowr diyaaradood ku bur-bureen dalal kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM