Diyaarad Turkish Airlines leedahy oo si degdeg ah ugu degtay Kolkata Hindiya

Image

KOLKATA – Diyaarad ay leedahay Turkish Airlines oo ka duushay garoonka Tribhuvan International Airport ee magaalada Kathmandu kuna sii jeeday Istanbul ayaa xaalad degdeg ah ku dhawaaqday iyadoo hawada ku jirta, kaddib markii dab laga dareemay matoorka midig ee diyaaradda.

Diyaaradda oo nooca Airbus A330 ah, isla markaana sidday 236 qof, ayaa loo weeciyay inay si degdeg ah ugu degto garoonka Kolkata. Dhammaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa badqab ku degay, wax khasaare ahna lama soo sheegin.

Wararka ayaa sheegaya in duulimaadka lambarkiisu yahay THY727 uu diray fariin degdeg ah oo ah PAN PAN qiyaastii 10 daqiiqo kaddib markii uu kacay dabku,  taasoo muujinaysa xaalad halis ah balse aan si toos ah nafta khatar gelinayn. Kaddib digniintaas, garoonka Kolkata waxaa lagu dhawaaqay heegan buuxa si loogu diyaargaroobo soo degista diyaaradda.

Sida lagu sheegay warbixinno maxalli ah, dabka matoorka ayaa billowday wax ka yar afar daqiiqo kaddib duulista diyaarda, balse waxaa la xakameeyay qiyaastii 13 daqiiqo gudahood. Diyaaraddu waxay sii wadday duulimaadkeeda iyadoo hal matoor la demiyay, arrin ay awood u leeyihiin diyaaradaha casriga ah ee laba-matoor laha ah.

War kale ayaa tilmaamay in diyaaradda ay haysatay shidaal ku filan oo ay ku sii duuli kartay saacado dheeraad ah, hase yeeshee go’aanka lagu dejiyay Kolkata ayaa ahaa mid badbaado darteed loo qaatay. Diyaaraddu si nabad ah ayay u degtay markii dambe.

Mas’uuliyiinta duulista ayaa sheegay in baaritaan farsamo oo faahfaahsan lagu sameyn doono diyaaradda inta ay ku sugan tahay Kolkata, si loo ogaado sababta keentay cilladda matoorka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM