Diyaarad uu la socday ra’iisul wasaare oo hawada khal-khal lagu geliyay

Image

ATHENS, Greece – Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo uu watay ra’iisul wasaaraha dalka Greece-ga ayaa waxaa hawada khal-khal ku geliyay diyaaradaha dagaalka ee dalka Turkiga, sida uu sheegtay Alexis Tsipras.

Mr Tsipras oo shaaciyay in diyaaradiisa lagu qasbay in xawaaraha ay hoos u dhigto kadib carqaladaasi ayaa ku tilmaamay talaabada Turkiga "mid doqonnimo ah oo aanan wax macno ah lahayn".

Carqaldeynta oo timid xili uu ra’iisul wasaaruhu ku jiray dabaaldega maalinta xorriyada Greek-ga ayaa ka dambeysay markii diyaaradaha Turkiga ay soo galeen hawada dalkaasi, sida uu ka dhawaajiyay wasiirka koowaad.

Hasayeeshee, saraakiisha amaanka Turkiga oo gaashaanka ku dhuftay dhamaan eedaymahaasi ayaa tibaaxay in diyaaradooda aysan ka bixin hawada dalkooda, ayna wateen howlgal.

Dalaaldega maalinta qaran ee Greece-ga ayaa looga soo horjeeday Boqortooyadii Turkida ee Othoman, sanadkii 1821-dii.

Cilaaqaadka labadaasi dal ayaa u xumaaday tobanaan sano kahor muran ku saabsan dhul ku yaalla gobolka Aegean.

Hogaamiyaasha labada wadan ayaa sameeyay dadaalo ay ku hagaajinayaan xiriirka dowladahaasi xili Recep Tayyip Erdogan uu noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee Turkiga kaasi oo 65-sano kadib u socdaalay Greece.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM