Diyaarad uu leeyahay ciidanka cirka Mareykanka oo burburtay

Image

BARLIN, Germany – Diyaarad nooca dagaalka ah oo uu leeyahay ciidanka cirka Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah ku burburtay dhul lama degaan ah oo ku yaala Galbeedka magaaladda Jarmalka ka tirsan ee Trier.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta SWR, nasiib wanaag, duuliyihii diyaaradda ayaa si nabdoon wuxuu kaga badbaaday shilka.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Cirka Germany ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay baarayaan sababta keentay shilka.

Duqa magaaladda dhacdada laga soo wariyey ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in diyaaradda ay ku dul-dhacday Aag ay geedo ku yaalaan.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa lagu arkay shidaal badan oo ka daatay diyaaradda, sidda uu shaaciyey booliska maxaliga ah.

Taliska Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa nan wali ka hadlin shilkan. Balse, sarkaal ka tirsan xoogagaas ayaa laga soo xigtay "waynu ka war haynaa".

Billo kahor ayay ahayd markii diyaarado ay leeyihiin ciidanka cirka Jarmalka ay isugu dhaceen hawadda sare, waxaana falkaas oo Waqooyi Barri laga soo wariyey ku dhintay mid kamid ah labadda duuliye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM